Sida Loo Sheego Dhaawacaaga Shaqada

 •  0

By

Marka aad ku dhaawacanto guriga Macmiilkaaga ama gurigaaga sida daryeele qoys ahaan, u soo sheeg dhaawacaaga Waaxda Shaqaalaha iyo Warshadaha ee Gobolka Washington (L&I). Haddii xaq sheegashadaada la aqbalo, waxaad helaysaa magdhowga shaqaalaha si aad toos ugu bixiso daryeelka caafimaadka. Haddii aadan awoodin in aad shaqeyso kadib dhaawacaaga, waxaad u qalmi kartaa qayb ka mid ah mushaarkaaga la waayay.

Tallaabada 1aad: Ku dhaawacmay shaqada

Hel gargaar degdeg ah. Dhicis, dillaac, iyo murgacasho baddan waxay noqon karaan dhaawacyo halis ah haddii isla markiiba aan la daaweyn.

Arag dhakhtar haddii loo baahanyahay. Haddii aad ku dhaawacantay shaqada, u tag dhakhtarkaaga, xarunta Daryeelka Degdega ah ee kuugu dhow ama Qolka Xaaladaha Degdega ah (dhaawacyada daran, addin waayid, iwm.) Waxay kugu caawin doonaan xaraysashada xaq sheegashada magdhowga shaqaalaha.

Isla markiiba u sheeg wakaaladaada ama xiriirkaaga Waaxda Adeegaha Bulshada iyo Caafimaadka. Loo-shaqeeyayaasha waxay u baahanyihiin in ay oggaadaan dhaawacyada sidaas awgeed marka warqada shaqada ee L&I ay timaado waxay kugu caawin karaan in aad qorshayso shaqo kunoqoshadaada.

Tallaabada 2aad: Xarayso Xaq sheegasho

Waxaad xarayn kartaa warbixin shil ee loogu talogalay dhaawacaaga xafiiska dhakhtarkaaga, taleefoonka ayaad ugu gudbin kartaa xafiiska L&I 1-877-561-FILE (saacadaha shaqada kaliya), ama online-ka www.LNI.WA.gov.  

Xasuusnow in aad:

Dhammeystirto dhammaan shaqada warqada loo baahan yahay waxaadna meel u dhigataa nuqulada wax kasta oo diiwaanadaada ah.

Si taxadar baddan u akhri dhammaan waraaqadaha kadibna si dhaqso ah uga jawaab

Kuqor lambarka xaq sheegaaga waraaqdaada waxaadna u akhrisaa marka aad wacdo L&I iyo loo-shaqeeyahaaga.

Tallaabada 3aad: Xaq sheegasho la Ansixiyey
L&I waxay ansixin kartaa xaq sheegashadaada haddii dhakhtarkaaga uu xaqiijiyo in aad dhaawacantay waqti gaar ah iyo goob shaqada ah, ama haddii aad cudur qabto ama xanuun sabab u ah shaqadaada. Dheefaha waxay ceymiyaan biilasha caafimaadka. Waxaa sidoo kale ka mid ah bedelka mushaarka, caawimaad shaqo-ku-noqosho iyo naafonimo loogu talogalay kuwa sida xun u dhaawacmay.

Tallaabada 3aad: Xaq sheegashada La Diiday

Xaq sheegashada waa la diidi karaa haddii dhakhtarka uusan caddayn karin in xaaladda caafimaad ee shaqaalaha ay la xiriirto wax gaar ah ee ka dhacay shaqada ama cudur shaqo. Adiga iyo/ama dhakhtarkaaga waxaad xaq u leedihiin in aad diidaan go’aan kasta ee lagu gaaray online-ka ee ku saabsan xaq sheegashadaada. Rafcaanada waxaa si toos ah looga sameyn karaa Guddiga Rafcaanada Caymiska Warshadaha.

Tallaabada 4aad: Shaqada Dib Ugu Noqo

Qaar kamid ah shaqaalaha dhaawacma waxay seegaan maalmo shaqo inta ay bogsanayaan. Si kastaba kuwo baddan waxay ugu noqon karaan si tartiib ah shaqada, ayaga oo wali qaadanaya dheefaha caafimaadka. Dib ugu noqoshada shaqada sida ugu dhaqsiyaha baddan ee suurtagalka ahi waa dadaal kooxeed oo u dhaxeeya adiga, dhakhtarkaaga iyo qofka aad u shaqaysid. Laxiriir ayaga.  L&I waxay bixinaysaa gargaar marka aad u baahantahay.

Tallaabada 5aad: Xir Xaq sheegashada
Xaq sheegashooyinka waxaa la xiraa marka:

Dhakhtarkaaga uu xaqiijiyo in daaweyn dheeraad ah aysan wanaajinayn xaaladaada.

L&I aysan hayn macluumaad cusub oo muujinaysa in aad u baahantahay gargaar dheeraad ah

Daawayntaada waa lagu guulaystay! (Xaaladahan, L&I waxay ku oggolaanaysaa oo ay ku xiraysaa xaq sheegashadaada isla waqtigaasi “Ogeysiiska Go’aanka.”)

Wax baddan ka baro oo ka soo xarayso xaq sheegaaga boggaan internetka www.LNI.WA.gov

mm
About the Author

 

Leave a Reply